Somali News

Weerar ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Afghanistan

Muqdisho-KNN-Ururka Talibaan yaa sheegtay masuuliyada qarax xoogan iyo dagaal daba socday oo lagu qaaday meel u dhaw xarunta wasaarada difaaca ee dalkaasi.

Qaraxa oo kadhacay caasimada Kabul waqti ay wadooyinka dhoobnaayeen dad badan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 ruux halka tobonaan kalana looqaaday Isbitaalada.

Mohammad Karim, oo ah taliyaha booliska goobta uu weerarku kadhacay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari uu ku qarxay afaafka hore ee wasaarada gaashaandhiga.

Dhawr katirsan dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha iyagoona rasaas is wiidaarsaday ciidamada xooga Afghanistan kadib qaraxii xooganaa ee halkaasi kadhacay ayuu yriri afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Nasrat Rahimi.

Afhayeenka ururka Taliban Zabuhullah Mujahid ayaa sheegay in dagaalamayal katirsan kooxdooda ay weerareen wasaarada difaaca Afghanistan.

Qaramada Midoobe, dowlada Afghanistan, iyo Hay’addo aanan dowli ahayn ayaa ururka Taliban ku eedeeyay weerarada ay inta badan ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah.