Somali News

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay duleedka Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka mareero oo 10 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay,  halka shan kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal uu maanta  ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga beegan  magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada amaanka Puntland  iyo maleeshiyaadka ilaalada u ah Kooxaha wax tahriibiya.

Waxaana ay ciidamada ammaanka Maamulka Puntland  ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaari ka mid ah kuwa dagaalka oo ay lahaayeen kooxaha Maleeshiyaadka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Puntland.