Somali News

Weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Colombia

Muqdisho-KNN- Ugu yaraan 17 ruux ayaa lagu dilay dalka Colombia, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan ku yaalla Galbeedka dalka Colombia.

Kooxdii weerarkaasi gaysatay ayaa markiiba gooba isaga baxsaday, waxa ayna ahaayeen kooxo aan haybtooda la garaneynin, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Booliiska dalkaasi ayaa waxa ay wadaan baaritaan ay ku baadi goobayaan, kooxihii hubeysnaa ee weerarka gaystay.

Toddobaadkan oo kaliya, ayaa waxaa la sheegay dalka Colombia in siyaabo kala duwan loogu dilay tiro dad ah oo gaaraya 52 ruux .