Somali News

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay afaafka hore ee Aqalka Koongareeska Mareykanka

Weerar ka dhacay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee US Capital ayaa waxaa ku dhintay hal askari, halka uu mid kalena ku dhaawacmay.

Gaari ayaa ku dhacay xayndaabka amniga ka hor inta uusan darawalkii toorrey la soo aadin, dhankii ay ka xigeen askarta ilaalada ka ah goobtaas, sida ay boolisku wariyeen.

Booliskii goobta joogay ayaa waxay ku fureen rasaas, waxayna halkaas ku toogteen ninkii la tuhunsanaa ee tooreyda watay.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weerarkan uu dhacayo saddex bilood uun kaddib rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Capitol bishii Janaayo, uusan ahaynna mid la xiriira argagaxiso.

Ku simaha Taliyaha Booliska ee Capitol, Yogananda Pittman ayaa yiri “Niyad ahaan, aniga oo tiiraanyaysan ayaan ku dhawaaqayaa in mid kamid ah saraakiisheena uu u dhintay dhaawacii soo gaadhay”.