Somali News

Weerar ka dhacay Canada oo lagu dhaawacay haweenay Soomaali ah

Hooyo Soomaali ah ayaa ku dhaawacantay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaalada Edmonton ee Canada, waxaana weerarkan geystay qof aan la garaneyn sababata ku kalliftay, iyadoo uu weerarkan uu dhacay maalmo kaddib markii qoys Muslimiin ah oo ka koobnaa 4 qof lagu dilay weerar loo adeegsaday gaari.

Ururada Muslimiinta Canada ayaa dalbanaya in lasoo afjaro Islaam naceybka, iyadoo dowladda Canada ay sheegtay inay wax ka qabaneyso Islaam naceyka.

Soomaalida ku nool Canada ayaa bilaabay cabsi, iyagoona walaac ka muujinaya weerarada ka dhacaya dalkaasi.