Somali News

Weerar ka dhacay dalka Jarmalka

Haweeney ayaa la dilay, dad kalena waa dhaawacmeen, kaddib markii nin aan weli la garan uu gaari jiirsiiyay dad ku sugnaa waddo mashquul oo ku taalla magaalada Berlin ee wadanka Jermalka.

Booliska ayaa sheegay in darawalka oo 29 jir ah ay qabteen dad wadada marayay, waxaana lagu wadaa baaritaan.

Saraakiisha gargaarka deg-degga ah ayaa sheegay in aysan kala caddayn in dhacdadan in ay ahayd ula kac ama shil.

Dhacdadan ayaa ka dhacday bartamaha galbeedka Berlin, oo ku taal mid ka mid ah waddooyinka ganacsiga ee ugu mashquulka badan. Haweeneyda geeriyootay ayaa la sheegay in ay aheyd macalimad iskuul oo ay safar kula jirtay koox dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka  Hesse.