Somali News

Weerar ka dhacay Deegaanka Kulbiyow

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay weerar culus oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow ee Gobalkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu mudo saacadaha ka socday Saldhiga deegaanka Kulbiyow ee Gobalka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Kulbiyow.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in Sedex Askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ay ku dileen Dagaal ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Gobalka Jubbada Hoose.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Jubbaland.