Somali News

Weerar ka dhacay Duleedka Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday Buula Gaduud.

Kismaayo-KNN-Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa baahisay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo marayay duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Weerarkan  ayaa ka dambeeyay  kadib markii  Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan  Ciidanka Jubbaland marayay inta u dhaxeysa deegaanada Baarka iyo Buula Guduud.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay ku hoyday Deegaanka Buula gaduud ee Gobalka Jubbada Hoose, si uu ugu dhiiri galiyo Ciidamada howlgalada iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland shalay mar uu hadlay ayaa waxaa uu fariin u diray sarakiishu in ay laba jibaaran shaqada ay dalka u hayaan isla markana ay dardar galiyaan howlgalada dib u xoraynta ah si shacabka looga dulqaado kooxaha argagixisada ah sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu wadaa  abaabul dagaal oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.