Somali News

Weerar ka dhacay Gaarisa

Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo sareedo oo hoostaga mgaalada Gaarisa ee ka tirsan gobolka  waqooyi bari kenya ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubaysan ay weerar culus ku qaadeen  iskuul halkaasi ku yaala.

Iskuulka la weeraray ayaa waxaa wax ku barto  ardayda, waxaana la sheegay in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen ay ku sugnaayeen ardayda sida ay dadka deegaanka u sheegeen KNN.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen kooxaha hubeysan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in kooxda weerarka qaaday ay goobta ka baxsadeen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo Mareykanka ay ku leeyihiin deegaanka Lamu, iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.