Somali News

Weerar ka dhacay gobalka Gedo.

Muqdisho-KNN-Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu weeraray deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Ciidamada Kenyan ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhexeysa deegaanka Giriley iyo Fax-faxdhuun oo ka tirsan gobalka gedo, iyadoona khasaaro u ka soo gaaray weerarkaasi.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa baahisay in ciidamada Kenya loogu dilay weerarkii ka dhacay Gobalka gedo ku dhawaad 3 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, halka gaadiid loogu gubay.

Ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin karta warka ka soo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheeganayaan weerarka lagu dilay askarka tirsan ciidamada Kenya.