Somali News

Weerar ka dhacay guri sarkaal ka tirsan NISA uu ka deganaa Gurceel

Gurceel-KNN-Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa xalay lagu qaaday guri uu degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ka deganyahay sarlkaal ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ee ka howlgasha Galmudug.

Magaca sarkaalka gurigiisa la weerar waxaa naloogu sheegay Cabdullahi Cabdi Raage, waxuuna horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee dowladda federaalku ay qarameysay.

Wararkii ugu dembeeyey waxa ay sheegayaan in wax khasaare ah aysan ka dhalan qaraxyadaas, isla markaana uu ka badbaaday sarkaalkii lagu weeraray iyo qoyskiisaba.

Weerarkaas ayaa noqday kii ugu horeeyey ee nuuciisa oo kale uu ka dhacay Gurceel in ka badan 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna ciidamada ammaanku xalay illaa saakay xaafadaha magaalada ka wadaan howlgallo lagu baacsanayo kooxdii geysatay weerarkaas fashilmay.