Somali News

Weerar ka dhacay Jubada Hoose.

Muqdisho-KNN- Wararka ka imaanaya deegaanka Qooqaani ee Gobalka jubada hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamo Kenya oo marayay deegaankaasi.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa daabacay in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ma faahfaahinin weerarka maanta ka dhacay duleedka deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada hoose.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer waxaa lagu weeraray deegaano ka tirsan Gobalada Jubada Hoose iyo Gedo oo inta badan ay ka howlgalaan.