Somali News

Weerar ka dhacay Marib oo ay ku dhinteen 17 qof.

Ugu yaraan 17 qof oo ay ku jirto gabar shan sano jir ah ayaa la dilay ka dib markii gantaal ballistic ah lala beegsaday magaalada Marib ee Yemen weerarkan oo ay dowladda ku eedeysay falaagada Xuutiyiinta,Gantaalku wuxuu ku dhacay xarun shidaal oo ku taal xaafadda Rawdha, ayuu yiri Ali al-Ghulisi oo ah xoghayaha saxaafadda ee barasaabka gobolka.

Tan iyo bishii Febraayo, falaagada Xuutiyiinta waxay isku dayayeen inay qabsadaan Marib si ay u dhammaystiraan qorshahooda gacan ku haynta qaybta woqooyiga Yemen.

Weerarkii Sabtidii ayaa yimid maalin un kadib markii ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, Tim Lenderking, uu ku eedeeyay Xuutiyiinta inay xagal daacinayaan dadaaladda xabad joojinta oo ah mid aad loogu baahan yahay xiligan.

Dhinaca kale waxa dalka Yemen soo gaadhay Wafdi ka socda dalka Cumaan,Wafdigan ayaa yimid magaalada Sanca si ay wadahadalo ula yeeshaan hogaamiyaasha Xuutiyiinta si loo hormariyo geedi socodka nabada, sida uu sheegay Mohammed Abdul-Salam oo ah madaxa wada xaajoodka Xuutiyiinta.