Uncategorized

Weerar ka dhacay Qasriga boqortooyadda Sacuudiga ee Jeddah

Jeddah:  Ciidamada amaanka dalka Sacuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay koox hubeysan ku qaadeen qasriga boqortooyadda Sacuudiga ee ku yaala maagalada Jida ee dalka Sacuudiga.

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa baahiyay in koox hubeysan ay weerareen qasriga boqorka ee la yiraahdo Al-Salaam.

 

Qasirigaan waxaa uu dhawyahay xeebta magaalada Jida waxaana heegan la galiyay ciidamada amaanka ayadoo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.

 

War kooban oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in hal ruux oo loo malaynayo inuu ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday iyo 2 askari oo illaaladda qasriga ahaa inay weerarkaasi ku dhinteen.

 

Maraykanka iyo dawladaha reer galbeedka ayaa dadkooda Sacuudiga jooga u diray digniin ah inay feejignaan galaan.

Wixii soo kordha la socda……