Somali News

Weerar ka dhacay Yemen

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen ayaa sheegay in Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ay dad shacab ah ku dileen duqaymo ay ka geesteen gudaha dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Omran ayaa war laga baahiyay Tv’ga Al-Masirah ee ku hadla afka kooxda ayaa lagu sheegay in ay ku dhinteen shan ruux oo isku qoys ah.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in Isbahaysiga Sucuudiga uu duqaymihiisa labeegsaday masaajid ay ku carareen qoyskani markii ay bilaabatay duqaynta.

Sidoo kale warka laga baahiyay Tv’ga ayaa lagu sheegay in lala’yahay labo caruur ah oo isla qoyska katirsan iyadoona lawado dadaalo looga baadi goobayo bur burka masaajidka.

Wali majiro war kasoo baxay dhanka boqortooyada Sucuudiga oo ay kaga hadalayaan weerarkan.

Balse dhawaantan ayay ahayd markii falaagada Xuutiyiinta ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabad joojin ay lagalaan Sucuudiga haddii dhankooda ay joojinayaan duqaymaha ay ka geesanayaan gudaha dalka Yemen.