Gurceel-KNN-Wararka aan saakay ka heleyno deegaanka Balihowd oo dhaca waqooyi galbeed degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay weerar sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka labo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii koox hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaaday dhalinyaro hal goob ku kulansaneyd.
Dableydii geysatay weerarkaas ayaa goobta is kaga baxsatay, waxayna dadka deegaanku noo sheegeen in weerarkaas loo maleynayo mid la xiriira aano qabiil.
Maamulka deegaanka uu weerarkaas ka dhacay ee Balihowd wali kama hadlin arintaan, waxaana saakay Billihowd iyo deegaano kale oo ka agdhaw ka taagan xiisad colaadeed.
Sanadihii lasoo dhaafay dagaal beeleedyo soo laa-laabtay ayaa ka taagnaa deegaanada dhaca galbeedka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dhinaca kale degmada Gurceel ee isla gobolka Galgaduud ciidamada ammaanka ee ka howlgala xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin soo xirtay dharka dumarka oo dhex marayay magaalada.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa noo sheegay in la aqoonsaday ruuxaas, balse ay haatan baaritaan ku wadaa waxa ku kalifay in uu soo xirto dharka haweenka.


