Somali News

Weerar Khasaaro badan gaystay oo ka dhacay caasimadda dalka Austria.

Rag hubaysan ayaa weeraray xarumo kala duwan oo ku yaalo bartamaha magaalada Viena ee dalka Austria.

Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan labo ruux halka in kabadan todobo kalana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen booliska.

Hogaamiyaha wadanka Austria ayaa weerarka ku tilmaamay in uu yahay mid argagaxiso isagoona sidoo kale sheegay in mid kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday ladilay.

Booliska ayaa baadi goobaya ugu yaraan hal dagaalame oo kale oo lasheegay in uu ku sugan yahay goobta uu weerarku ka dhacay sida ay sheegayso wasaaradda arimaha gudaha.

Sidoo kale wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in mid kamid ah dadka weerarkaasi ku dhawacmay uu yahay sargaal katirsan booliska.