Somali News

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay Suuriya

Weerar ka dhacay gobolka Deyr-Al-zuur ee dalka Suuriya ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 28 qof.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa baahiyey weerarka ka dhacay gobolka Deyr Al-zuur oo ku yaalla bariga Suuriya in lala beegsaday basas ay ciidamo saarnaayeen, dadka ku dhintayna ay ciidan u badan yihiin inkastoo ay dad shacab ahna ku jiraan.

Balse ilo wareedyo madax bannaan ay sheegaya in dadka weerarka lagu dilay kulligood yihiin askarta dowladda Suuriya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid weerarkaasi sheegatay.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha dalka Suuriya uu fadhigeedu yahay dalka Britain waxay sheegtay in tirada dhimashada ay gaareyso 37 asakri weerarkana ay geysteen Ururka isku magacaabay dowladda islaamka ee IS.

Kooxda oo ilo wareedyo ku sugan gudaha Suuriya soo xigatay waxay sheegtay in weerarka uu ahaa mid si weyn loo qorsheeyey oo ay maleeshiyaadka IS la beegsadeen seddex bas oo ay saarnaayeen ciidamo iyo maleeshiyaad daacad u ah dowladda Suuriya.

Halka wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay dadka weerarkaasi lagu dilay dhammaantood ay yihiin ciidamada dowladda.

Aagga uu weerarkaasi ka dhacay oo ku dhow magaalada qadiimka ee Palmyra ayaa ah deegaan uu inta badan iska hor imaad kiu dhexmara ciidamada dowladda Bashar al-Assaad iyo dagaallamayaasha IS.

Sanaddii 2014-kii IS ayaa gacanta ku haysay dhul masaafadiisu gaareyso 88,000 km isku wareeg ah oo ku teedsan galbeedka Suuriya ilaa iyo bariga Ciraaq.

Dagaal shan sano socday kaddib maleeshiyaad garab ka helayo Mareykanka iyo xulafadiisa waxay ku guuleysteen iney dhulka ay IS haysteen ay dib u qabsadaan.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamigana bishii March 2019-kii wuxuu ku dhawaaqay in looga guuleystay Suuriya iyo Ciraaq.

Laakiin weli waxay joogaan oo ay saameyn ku leeyihiin qaybo ka mid ah Suuriya, oo uu dagaal sokeeye daashaday tan iyo 2011. Haddii la xaqiijiyo weerarkan ugu dambeeyay ayaa noqon doona kii ugu dhimashada badnaa ee sannadkan ee ay fuliyaan kooxdan IS ayay tiri SOHR.