Beledweyne-KNN-Maxamed Nuur Caga Joof oo ah gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la hadlay laanta Afka soomaaliga ah ee VOA-da ayaa ka warbixiyay dagaal ka dhacay duleedka degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay ciidamada dowladda ku dileen 20 dagaalame, islamarkaana ay Al-Shabaab ka qabsadeen 18 qori.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Waxaa uu xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Halkan ka dhageyso


