Uncategorized

Weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Xasilinta oo fariisin ka sameestay Xaafadda Ceymiska ee D/Yaaqshiid.

Muqdisho-KNN-Weerar ku bilaawday Qaraxyo Bam-Baanooyin ah ayaa xalay koox hubeysan waxa ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidanka Xasilinta dhawaan ka sameestay Xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshiid waxaana kadib xigay dagaal socday ku dhawaad 30 Daqiiqo.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in dagaalka uu dhacay xalay Fiidkii hore waxaana la weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Xasilinta Muqdisho oo lagu badalay Ciidan kale oo mudo dheer dagaanaa Saraha Ceymiska waana weerarkii 3aad oo lagu qaado Isbuuc gudihiis.

Ilaa hadda lama oga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi, balse dadka ku nool Saraha Ceymiska ee degmada yaaqshiid ayaa is weydiinaya waxa soo kordhiyay Weerarada Xaafadaasi markii la badalay Ciidankii halkaasi daganaa mudo dhowr sano ah Islamarkaana ay u taalay Isbaaro gaadiidka B.L.-ka lacago looga qaado.

Dagaalka kadib ayaa Ciidanka waxa ay ku soo faafeen Xaafadaha waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano xoog leh oo dhalinyaro lagu soo qab qabtay in kastoo qaarkood la sii daayay.

Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Saraakiisha Ciidanka oo aan la hadlanay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Weerarkaasi iyo Hadii uu jiro Khasaaro ka dhashay.