Somali News

Weerar lagu qaaday gaadiid uu leeyahay m/weynaha Nigeria

Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaday gaadiid ay la socdeen wafti horudhac ah m/weynaha Nigeria Maxamuud Buxaari oo marayay gobolka Katsima ee waqooyiga dalkaas.

War kasoo baxay madaxtooyadda Nigeria ayaa lagu sheegay in weerarkaan ay ku dhaawacmeen 2 qof oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee illaalada m/weynaha.

Gaadiidkaan waxaa la socday xubno ka tirsan illaalada gaarka ah ee m/weynaha Nigeria kuwa hab maamuuska iyo qeybta warfaafinta waxaana ay u socdeen magaalada Dawuura oo ah halka uu kasoo jeedo m/weynuhu doonayayna inuu kusoo qaato maalmaha ciida Carafo ee nagu soo aadan.

Afhayeenka madaxtooyadda Nigeria Gerba Sheehu ayaa sheegay in ciidamadu hadda baacsanayaan kooxda weerartay gaadiidka m/weynaha oo aan willi la aqoonsan sida uu yiri.

Gobolka Katsina waa halka ugu badan ee hadda ka dhacaan weerarada abaabulan ee lagu qaado xarumaha dawlada iyo goobaha rayidku deganyihiin.