Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Weerar lagu qaaday Makhaayad Turkiga ku leeyahay dalka Burkina Faso

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Makhaayad Turkida ku leedahay caasimada wadanka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Makhaayadan oo lagu magacaabo Aziz Istanbul ayaa la weeraray xalay markii ay saacada dalkaasi ahayd 9:30 fiidnimo, waxaana la sheegay inay weerarkaasi ka qeyb qaateen ugu yaraan sadex nin oo hubeysan.

Kooxdan hubeysan ayaa markii hore rasaas ooda uga qaaday dadkii fadhiyey banaanka hore ee Makhaayada, kadibna gudaha u galay goobtaasi iyagoo afduubtay dad kale oo ku jiray gudaha Makhaayada.

Iska horimaadka halkaasi ka dhacay ee dhexmaray maleeshiyada hubeysan iyo ciidamada dowlada ayaa socda illaa iyo saaka oo Isniin ah.

Warbixin kasoo baxday xafiiska Wiirka Warfaafinta ee dalkaasi Remi Dandjinou, ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu yaraan 17 qof oo rayid ah, halka dhaawaca uu gaarayo 8 qof.

Waxaa la xaqiijiyey in dadka dhintay uu ku jiro qof u dhashay dalka Turkiga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa baahiyey in labo kamid ah kooxdii weerarka geystay ay ciidamada dileen, balse uu hawlgalka weli socdo.

Illaa iyo hada majirto koox sheegatay weerarkan, balse maaha markii ugu horeysay ee uu weerar noocaan ah dalkaasi ka dhaco.

Wadanka Burkina Faso ayaa xaduud la wadaaga wadanka ay dagaalada ka socdaan ee Mali, waxaana horey gudaha dalkaasi weeraro uga geystay kooxo kasoo talaabay xaduuda oo xiriir laleh Al Qacida.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore 2016 ayey kooxda Al Qacida ee Maqribka iyo kooxda loo yaqaan Al Mourabitoun sheegteen weerar ka dhacay dalkaasi Burkina Faso oo ay ku dhinteen 30 qof.