Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa laga maqlayay xero milateriga lagu tababaro oo ku taal magaalada caasimadda u ah waddanka Afghanistan ee Kabul, warbaahinta ayaa sidaasi ku warramaysa.
Wararka ayaa sheegaya in aroortii Isniinta weerar lagu soo qaaday Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim.
Weerrarkan ayaa imanaya maalma un kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaari nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.
Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah iyo Taalibaan ayaa dhawaantan waxa ay weerraro ka gaysteen dalkaasi.