Somali News

Weerar lagu qaaday Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgala dekeda Berbera.

Berbera-KNN-Qaar ka mid ah Shaqaalaha muruq maalka ah ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgala Magaalada Berbera.

Inta la xaqiijiyay shan qof oo ka mid ah shaqaalaha ajaanibta ayaa ku dhawaacmay sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Qaar ka mid ah muruq maalka dekadda Berbera ayaa ku doodaya in Shaqo ay iyaga qaban kareen loo wareejiyay Shaqaalo Ajnabi ah oo dalal kale u dhashay,taasina waxaa ay keentay in ay weerar toos ah ku qaadaan shaqaalahaasi.

Dhaawacyada Shaqaalaha Ajaanibta ah ee la weeraray ayaa la sheegayaa in la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Berbera si loogu daaweeyo.

Ciidamada amaanka ayaa waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Shaqaalaha muruq maalka ee dekadda Berbera ay xireen.

Ma jiraan weli faahfaahin intaasi dheer oo laga helayo wixii ka dhacay Magaalada Berbera ee Soomaaliland.