Somali News

Weerar loo adeegsaday Toorey oo ka dhacay Jarmalka

Booliiska dalka Jarmalka ayaa faah faahin ka bixiyay weerar loo adeegsday mindi oo ka dhacay suuq ku yaalla dalkaasi.

Nin ku hubeysan ayaa mindi ku weeraray dad isugu soo baxay suuqa weyn ee Mannheim, halkaas oo ay ku qabsanayeen xaflad ka turjumeysa Islaam naceyb.

Shan xubnood oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta ayaa dhaawacmay, kuwaasi oo qaar kamid xaaladooda caafimaad ay culus tahay.

Sidoo kale, dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah askari ka tirsan ciidamada Booliiska, dowladda Jarmalka ayaana sheegtay in weerarkan la baarayo.

Ninka weerarka geystay ayaa  dhaawacmay, balse xaaladiisa iyo ujeedka weerarkiisa ma cadda