Somali News

Weerar khasaaro geystay oo lagu qaaday hotel ku yaala dalka Pakistan

Muqdisho-KNN-Koox hubaysan ayaa weerartay hotel nuuca raaxada ah oo ku yaalo gudahada dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Balokistaan.

Weerar ayaa lalabartil maamaydsaday hoteelka Zaafir oo kuyaalo magaalada dekadda leh Gawaadir.

Afhayeen u hadlay hoteelka ayaa warbaahinta u sheegay in waqtigii weerarka uu dhacayay aysan wax marti ah kusugneen hoteelka bisha Ramadan awgeed.

Sidookale afhayeenka ayaa sheegay in hoteelka ay daganyihiin ajaanib u dhalatay dalka Shiinaha.

Kooxdan oo ka koobnayd sadax ruux ayaa dilay mid kamid ah waardiyihii hoteelka waqti uu isku dayay in uu ka horistaago in ay gudaha ugalaan hoteelka sida ay sheegtay dowlada Pakistan.

Inta badan weerarada ka dhaca gudaha dalka Paksitan ayaa waxaa sheegto kooxda Daacish balse majiro illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.