Somali News

Weerar xalay ka dhacay Baydhabo.

Baydhabo-KNN-Wararka laga helaya  Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday xalay  guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay.

Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in weerara uu ahaa mid Bambo Gacmeed lagu tuuray Hoyga ay degan tahay Gudoomiyaha ururuka haweenka Gobalka bay.

Inta la og yahay 2 Ruux ayaa ku dhaawacan tahay weerarkaasi, iyadoona dadkii ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in labo qof ay  ku dhaawacmeen  bam gacmeedka, waxaa ayna kala ahaayeen  askari ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka iyo gabar guriga joogtay.

Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa Saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan Gudaha Magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa hada waxaa ka socda ololihii u dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha  Maamulka Koofur Galbeed.