Somali News

Weerar xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Fariisin ciidanka booliska soomaaliya ay ku leeyihiin dagmada Heliwaa gaar ahaan xaafada suuuqa xoolaha ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi weerar ka fuliyeen.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay halka loo yaqaano biyo degeenka xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankii lagu qaaday weerarka ayaa iska difaacay kooxdii weerarka soo qaaday. Kuwaasi oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegaya in xalay ay cabsi badan soo wajahday.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarka xalay ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha.

Degmada Heliwaa ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa dagaal uu ku dhexmarayay Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.