Somali News

Weerar xalay ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox hubyesan ay xalay Bam gacmeed ku weeraray saldhiga Bartamaha ee Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray ciidamada ku sugnaa saldhiga.

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland iyo Haweeney Shacab ah oo goobta ku sugneyd ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ayaa masuuliyadiisu waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab.