Somali News

Weerar xalay lagu qaaday Degmada Dhoobley.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar bambaano ku qaadeen Guri Degmada Dhoobley uu ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Weerarkaas ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay hal askari halka ay ku dhaawacmeen 7 Ruux oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u Sheegay in weerarka Bambo gacmeed kadib la maqlay rasaas toos oo ay weydaarsanayeen kooxda hubeysan iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan weerarkii ka dhacay degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.