Somali News

Weerar xalay lagu qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Sh.Hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmadaasi.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada amniga ay hub badan ka soo furteen dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida ay daabacday Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka uu dhacay Xalay oo Taariikhda ku beegneed 09-kii bishaan Maarso, waxaana la bartilmaameedsaday saldhiga ay Al-Shabaab ku leeyihiin Xaafadda Hantiwadaag ee degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadu waxay gacanta Ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah, kaasi oo Al-Shabaab u isticmaalaysay in ay dadka ku dhibaateeyaan, sida ay xaqiijiyaan Saraakiil ka tirsan dowladdda Soomaaliya.

Todobaadkii tagay ayay aheyd markii Cidamada xoogga iyo kuwa Mareykanka ay howgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Gamboole ee Gobalka Shabeelaha Hoose, islamarkaana waxaa lagu dilay sarkaal  oo ka tirsanaa Al-Shabaab.