Sports

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar oo kusoo laban kara horyaalka La Liga

Muqdisho-KNN-Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo qarsoodi ah kula jirto weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar .

Xagaagii hore, PSG ayaa bixisay lacag rikoorka adduunka ah ee lagu iibsaday xidagan Neymar oo ka yimid Barcelona, ​​xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhaliyay 28 gool 30 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Ligue 1.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya bilooyin ka dib asagoo joogay kooxda PSG, warar xan ah ayaa bilaabmay kuwaa oo  soo jeediyaan in Neymar uu doonayo inuu ka tago Parc des Princes, sida laga soo xigtay AS, wadahadalada ayaa lala galay Real horaantii sannadkan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in wadahadalada la qabtay 22-kii Maarso markii Neymar uu la kulmay madax katirsan Real Madrid, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan kooxda waqtigaan la joogo ay doonayan lawareegida xidigan.

Madaxweynaha Real Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu ku qarashgareeyo 227 milyan ginni oo uu ku qaadanayo saxiixa 26 jirkaa ah, kaasoo weli afar sanno ka hartay qandaraaskiisa kooxda PSG.