Hobyo-KNN-Magaalada Hobyo ayaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka wejigiisa labaad, kadib markii shalay halkaasi ay gaareen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha tagay Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka mid ah Sanetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Axmed Macalin Fiqi, Warsame joodax iyo Xidhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirka nabadda Hobyo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Horey Magaalada Hobyo waxaa ku sugnaa waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaasi oo ka qeyb galay wejigii koowaad ee shirka Nabada Hobyo.