Uncategorized

Deg Deg:Taliyaashii Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda oo xilkii laga qaaday.

Muqdisho-KNN-Shirka deg dega ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo hada ka socda Xafiiska ra’iisal Wasaaraha Soomnaaliya ayaa xilkii looga qaaday Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee kala ah C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gen C/xakiin Saciid Saacid.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii laga qaaday labada Mas’uul oo laf dhabar hay’adaha amaanka Dalka kadib qaraxyo ku soo laab laabtay magaalada Muqdisho.