Somali News

Weriye Abuuja oo maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida lasoo taagay

Muqdisho-KNN-Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ayaa maanta la soo taagay maxkamdda ciidamada qalabka sida, waxuuna weriyahaan mudooyinkii lasoo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya oo ku soo eedeysay Shabaab-nimo.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa todobadii bishii Maarso xabsiga dhigay Weriye Abuuja, waxaana loo gudbiyay xabsiga dhaxe ee Xamar, ururrada warbaahinta Soomaaiyeed ayaa dadaal dheere u galay sidii weriye Abuuja uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda, wuxuuna sheegay in go’aanka dacwada ay maxkamadu dib ka soo shaacin doonto.

Warqad kol-hore ka soo baxday wasaaradda warfaafinta xukumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Weriye Abuuja loo haysto in uu ka tirsan Al-Shabaab, isla markaasna uu ku lug-yeeshay fal dil ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, in kastoo aan weli cadeyn loo helin.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Cali Cilmi Salaad ayaa warkan nooga diyaariyey.