Somali News

Weriye Cabdullaahi Kulmiye oo maalintii Shanaad Xiran.

Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka mid ah shaqaalaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii Shanaad u xiran Hay’ada  Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, kadib markii si sharci daro ah ay kala soo baxeen hoygiisa, taasi oo khilaafsan sharciga dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo midka Saxaafada. 

Weriyaha ayaa waxaa uu  u xiran yahay wareysi uu ka qaaday  Ganacsade Abuukar Cumar Cismaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa habeeno ka hor xoog ku galay guriga Weriyaha, kadibna afduubtay, islamarkaana ula dhaqmeen si ka baxsan sharciga saxaafadda iyo sharuucda guud ee dalka.

Waxaa xusid mudan in sharciga saxaafadda ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu dhigayo in Weriye aan la xiri karin, iyadoo aan loo wadin waaran maxkamadeed.

Hasa yeeshee waxaa muuqata in sharcigaasi ay ku xadgudubtay dowladda Soomaaliya bilo gudahood markii uu saxiixay madaxweyne Farmaajo kadib.