Muqdisho-KNN-West Bromwich Albion ayaa soo afjartay heshiiskii ay la wadaagtay tababare Alan Pardew ka dib markii sideed guul darro ah ay ka soo gaartay horyaalka EPL.
56-jirkaan ayaa loo doortay 29-kii November 2017 shaqada macalinimo kooxda Baggies xiligaa oo ay iska ceyrisay Tony Pulis kaas oo 10 kulan oo Premier League aanan guulaysan.
Guuldarro 2-1 ah oo ay ka gaartay Burnley sabtidii ayaa keeentay inuu shaqadiisa waaye macalin Pardow.
Tababaraha Darren Moore ayaa la wareegay kooxda koowaad waxaana ay u badan tahay inuu sii joogo kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Qoraalka The Baggies ayaa wuxaa lagu yiri: “West Bromwich Albion iyo Alan Pardew ayaa isku raacay inuu heshiiskooda halkan uu ku ekaado”Kaaliyaha macalinka kooxda John Carver ayaa sidoo kale ka tegaya. “Kooxdu waxay jeclaan lahayd in ay u mahadnaqaan Alan iyo John dadaalka ay u muujiyeen kooxda, islamarkaana ay u rajeynayaan mustaqbalka ifaya.”
West Brom ayaa guuleysatay kaliya hal kulan 18 kulan oo horyaalka ah, waxaana ay siddeed dhibcood ka heshay 54 dhibcood.
Waxay ku jiraan xilli ciyaareedkooda sideedaad ee horyaalka Premier League laakiin waxay leeyihiin 20 dhibcood 32 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.
Pardew shaqadii hore ee Premier League waxa uu la joogay Crystal Palace, taasoo bishii December 2016 ka lagasoo eryay iyadoo uu xiligaas kooxda ka raariday kaalinta 17aad ee horyaalka.
qalinkii: Aadam Aqyaar