Somali News

WFP oo hakisay cunno gargaar ah oo ay siin jirtay Koonfurta Suudaan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ayaa joojisay gargaarkii ay siin jirtay Koonfurta Suudaan, iyadoo ugu yaraan 1.7 milyan oo qof oo gaajaysan oo dalkaas ku nool ay waayi doonaan cunno gargaar ah.

“Baahida bini’aadantinimo oo aad uga badan miisaaniyadii aan helnay sanadkan, hadii ay sidan ku sii socoto, waxaa mustaqbalka la kulmi doona dhibaatooyin intaa ka sii daran oo ay ka mid yihiin dhimashada, nafaqa-darrada iyo cudurada” ayuu yiri Adenka Badejo oo ah ku simaha agaasimaha WFP.

Koonfurta Suudaan ayaa waxaa soo food saartay dhibaato aan horay loo arag oo dhanka gaajada ah iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah oo dhanka cimilada ah iyo sare u kaca qiimaha cunnada ee uu sababay dagaalka ka socda dalka Ukrain iyo ka soo kabashada dagaalada sokeeye.

In ka badan 60 boqolkiiba dadka ayaa waxaa soo food saartay cunto yari aad u daran, sida ay sheegtay WFP, oo sheegtay in ay ku qasabtay in ay kala bar ka dhigto raashinkii sanadkii hore.

Khubarada cunnada ayaa ka digay in 1.4 milyan oo carruur ah ay soo food saartay nafaqo-xumo ba’an inta lagu jiro xilliga Juun-Ogosto.