Geneva-KNN-Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tirada dadka u geeriyooday xanuunka cudurka Coronavirus korortay, isla markaana ay gaartay 500 oo kun oo ruux, adduunka oo dhan.
War kasoo baxay WHO ayaa lagu sheegay xanuunkaan uu si xowli ah ku fidayo xilligaan, waxaana dadka qaaday ay ka badan yihiin 10 million oo qofood.
Mareykanka iyo Brasil ayaa ah dalalka ugu daran ee uu xanuunkaan saameeyay xilligaan.
Dhanka kale dowladda Shiinaha ayaa amartay in 400, kun oo qof ay guryahooda ku jiraan illaa amar dambe, kadib markii xanuunkaan lagu arkay magaalada caasimadda ah ee Bayjiin.