Somali News

Wiil Aabihii ku Goowracay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Habeenimadii Xalay aheed Fal naxdin leh ayaa ka dhacay Xaafadda Xararyaale Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro oo tooreey Dhuunta ka galiyay Aabihii.

Wiilkan ayaa waxaa la sheegay in rubadda uu ka galiyay Adoogii Toreey, sidaana uu ku goowracay Adoygii.

Wararkii uga danbeeyay ee aynu heleeyno ayaaa sheegaya Aabihii wiilku Goowracay in uu ku jiro Xaalad Liidata.

Dhowrkii bilood ee ina dhaafay guud ahaan Soomaaliya waxaa laga soo wariyay dhowr qiso oo muujinaya qoys dhexdiisa uu dil ka dhacay, arintaa oo noqoneeysa mid ugub ah.