Somali News

Wiil dhalin yaro ah oo goordhow lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa waxaa goordhow wiil dhalin yaro ah waxaa ay ku dileen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha qeybta loo yaqaano Cabadalla shideeyaha nawaaxiga Masjidka Shuhadada ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata sameeynta mobeelada.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, iyagoona halkaasi baaritaano ka wada.

Badi dilalka sidan oo kale  waxaa sheegta masuuliyadiisa  Al-Shabaab, marka laga reebo kuwa qaar oo ay dhabarka u ritaan  Daacish.

Dilalka ayaa waxay dhacayaan iyadoo Isgoys-yadda waa weyn ee magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya, halka meelaha qaar la dhigay askar dharcad ah kuwaasi oo loogu tala  galay in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Muqdisho.