Somali News

Wiil dhalin yaro ah oo goordhow lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan Cidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in wiil dhalin yarada uu goordhow ku dilay degmada Dharkeenley ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Suldaan Ismaaciil Shuu, kaasi oo si wayn looga garanaayay Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada amaanka ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka wado.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday.

Dilka wiilka dhalin yarada ah ee loo geystay ayaa ku soo aadayaa xilli ciidamada booliska soomaaliya ay baaritaano ka wadaan degmooyinka Gobalka Banaadir.