Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay wiil dhalin yaro ah ku dileen Magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu si gaar ah kaga ka dhacay xaafada KBB ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdala Maxamed Maaxi, waxaa uuna ka yimid degmada Afgooye, isagoona in mudo ah uu waxbarasho ah u joogay dalka.
Kooxda Bastoolado ku Hubeysneed ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen kadib markii ay dilka fuliyeen.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinka dambe waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanaya dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya.