Somali News

Wiil dhalin yaro oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox  hubeysan ayaa xalay waxaa ay wiil dhalin yaro ah ku dileen degmada hodan ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay xaafada  N.B.C oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir, waxaana lagu Magacaabi jiray  wiilka la dilay Xasan Cismaan.

Marxuumka la dilay ayaa u Shaqeynayay Hay’ad lagu Magacaabo Wardi.

Kooxda dilka fulisay ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta ay falka ka geysteen, iyadoona ciidamada amaanka ay baaritaano ka sameeyeen degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan dowladda Soomaliya.