Somali News

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Marka.

Marka-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa soo sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya uu qof shacab ah ku dilay Marka.

Marxuumka la dilay oo ka tirsanaa Dhalinyarada magaalada Marka, ayaa la sheegay iney Askari murmeyn, kadib uu dhowr xabad kaga dhuftay qeybta sare ee Jirkiisa.

Askariga dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana Booliska magaalada ay sheegeyn iney ku raad joogaan soo qabashada Askarigaasi.

Dilkaan ayaa ka dhigan,in qofkii labaad maanta oo kaliya ay Ciidamada Dowladda ku dileen magaalooyinka Marka iyo Jowhar ee gobolada Shabeelooyinka.