Uncategorized

Wiil Soomaaliyeed oo isku dilay Dalka Qubrus iyo Faah faahin ka soo baxeyso.

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegtay Idaacada VOA laanta afka Soomaaliga ah Magaalada Larnaca ee dalka Qubrus ayaa waxa isku dilay wiil Soomaali ah oo 18 jir ah, kadib marki loo diiday in magangalyo laga siiyo dalkaasi.

Booliska magaalada Larnaca ayaa xaqiijiyey in Maxamed Dahir uu isagu is dilay aroornimadi hore ee Talaadadi ee aan ka soo gudubnay kuna beegan 29-ka bishan August.

Maxamed Daahir oo markii hore ka tagay magaalada Muqdisho kuna sugnaa dalka Qubrus ayaa ku socday qorshe ah in uu la midoobo qoyskiisa oo ku nool dalka Ingiriiska.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha u tahriiba ayaa la kulma dhibaatooyin badan iyadoo sidoo kale dhalinyaro kale ay hore dhib naftooda ugu geesteen.