Somali News

Wiil uu dhalay askari ka tirsan ciidanka Kenya oo ka mid ahaa ragii weeraray Nairobi

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in mid ka mi ah raggi weeraray Hoteelka Nairobi talaadadii uu ahaa Wiil uu dhalay Askari ka tirsan Ciidanka kenya.

Ninka oo magaciisu yahay Cali Saalim Gichugu ayaa la aaminsanyahay in uu ahaa Hogaamiyaha koodii qaaday weerarka DusitD2 oo ay ku dhinteen 21 qof.

Waxaa uu dhashay Sanadkii 1992kii wuxuuna Waxbarashaddiisa ka bilaabay Kaniisad lagu barbaariyo caruurta Dadka masiixiga ah.

Marwadii uu qabay Cali Saalim ayaa iyadana Ciidanka Boolisku Xabsiga u taxaabeen.

Wali waxaa kenya ka soda baarista xohta dahsoon ee weerarkii Talaadadii Al-shabaab ay fuliyeen. Uguyaraan 9 qof ayaa Ciidanka Amnigu dhacdadaas u xireen.