Sports

Willian oo qeexay sabab uusan kusii joogi lahayn Chelsea.

Muqdisho-KNN-Weeraryahanka Chelsea Willian ayaa qirtay inaysan jirin fursad uu ku sii joogi lahaa Stamford Bridge xagaagaan hadii Antonio Conte aan la ceyrin lahyn.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa si maldahan u sheegay inuu ka xumaaday Conte dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu ka maqnaa line-upki kulankii Manchester United ee FA Cup ka ey wajahayn.

Iyadoo suuqa kala iibsiga ee Yurub uu ku dhawaday inuu ka tago kooxda, 30 jirkaan ayaa soo jeediyay inuusan dooneynin inuu baxo hada.

“Halkaan ayaan joogayaa,” ayuu u sheegay wariyaasha. “Waxaan joogayaa halkaan sababtoo ah waxaan doonayaa inaan u ciyaaro Chelsea, kaliya waan ka tagi doonaa hadii Chelsea iyadu ay rabto inaan baxo.”

Markii la weydiiyay hadii uu weli ahaan lahaa ciyaaryahan Chelsea ah hadii uu Conte sii joogi lahaa, Willian ayaa ku jawaabay: “fursad uma haysan, fursad uma haysan”.

Willian ayaa kusoo bilowday kulankii Chelsea ay 3-0 kaga badiyeen Huddersfield Town.