Sports

Willian: ‘Waan ku faraxsanahy Chelsea

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahan William ayaa soo jeediyay inuu doonayo inuu sii joogo Chelsea xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa shan sanno ku qaadanaya Stamford Bridge, lakiin kubadsameeyahan ayaa si aad ah loola xiriirinayay ka hor inta uusan xirmin 9ka August daaqada kala iibsiga inuu ka dhaqaaqayo kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Willian ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha kooxdiisa Blues islamarkaana uu ku faraxsan yahay inuu la shaqeeyo tababaraha cusub kooxda Maurizio Sarri, iyadoo la sheegay inay xiiseynayaan kooxaha Manchester United, Barcelona iyo Real Madrid.

29 jirkaan ayay ka soo xigtay Sky Sports News isagoo yiri: “Waxaan mar walba xaqiijinaya inaan mar walba ku faraxsanahay inaan u ciyaaro Chelsea.

“Waa xilli cusub, tababare cusub, waxaana ku jiraa wadahadal aad u fiican, sidaasi darteed waxaan rajeynayaa inaan ku riyaaqi karno guulo badan waana sii joogi doonaa”

Willian ayaa lagayaabaa inuu katago Chelsea inta uu furanyahy daaqada kala iibsiga.