Uncategorized

Xaaaladda Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dalka itoobiya oo laga Deeyrinayo

Muqdisho-KNN-Dadka Soomaaliyeed e ku jira xerayah Qoxootiga wadanka Ethiopia ayaa Wajahaya Cuno yari, hadii aysan helin Taageero Caalami ah, si kor loogu qaado Xaaladoda nololeed.

Edward Moyo oo ka Tirsan Heey’adda Cunadda Aduunka ee WFP ayaa sheegay in heey’adiisu ay mar hore yareeysay Raashinkii iyo Taageeradii kale ee ay siin jirtay Dalka Soomaaliyeed eek u jira Xerya Qoxootiga Ethiopia, wuxuuna intaas ku daray in Qadar yar oo kaalmo ah oo ay Siiyaan Dadka Qoxotiga ah ay  Sii socondoonto oo kaliya tan iyo Bisha March ee Sanadka soo socda.

Edward ayaa Markii uu ka Hadlayay Xaaladda Qoxootiga Soomaaliyeed Wajihidoonaan wuxuu yiri “Sideen u sharixi karnaa Hooyo Uur leh oo heeysata Caruur Badan, ee aan Dooneeyno in aan ka jarno Saamiga Cunadda ahaa ee ay heli jireen”

Tiradda Dadka Hadda wajahaya Cuno yaraanta oo lagu sheegay ku dhawaad 40,000 oo ruux ayaa sidoo kale waxaa kamid ah Caruur la ildaran Nafaqo La’aan.

Heey’addda WFP ayaa codsatay 27 Million oo Dollar si ay wax uga qabato Dhibaatadda Nololeed ee ay wajahayaan Qoxootiga ku jira Xeryaha Ethiopia oo isgu jira Soomaali iyo dad u dhashay Wadanka Koofurta Sudan